Daawo: Maxaa ka jira inuu wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza iska dhiibay Canada?

Mennesota (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay in wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya uu iska dhiibay dalka Canada, balse hadda wuxuu bixiyey wareysi uu uga jawaabayo wax aka jira arrintaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdixakiin Jimcaale Aadan ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wuxuu beeniyey warka sheegaya inuu iska dhiibay dalka Canada.

Wuxuu sheegay in dalka Mareykanka ay tageen isagoo qeyb ka ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineysay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo shir caalami ah uga qeyb galay xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Sidoo kale Wasiir Cabdixakiin ayaa sheegay in marnaba uusan u safrin, isla markaana uusan u socan dalka Canada, isagoo shaaciyey in saacadaha soo socda uu u safrayo Muqdisho.

“Aniga xitaa waan la yaabay warkaas markaan arkay, hadalkaas waa marin habaabin, hadda waxaan joogaa Mareykanka, waxaana u socdaa Muqdisho, qolada iga been abuurtana waan garanayaa waan la xisaabtamayaa markii aan dalka ku laabto, marnaba qorshaha iiguma jirto inaan Canada aado, waxaan u socdaa Muqdisho,” ayuu yiri Cabdixakiin Jimcaale.

Wasiir Cabdixakiin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey sababta uu uga haray wafdigii wasaaradiisa ee wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay hoggaamineysay.

Wuxuu ku jawaabay in Soomaalida ku nool Minnesota uu soo booqanayey, isla markaana uu kula kulmay dad isku xiran oo ka wareystay xaaladda dalka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhiimadda koowaad ay siineyso xukuumadaan.

Mar la weydiiyey sida uu u arko iyo hadii uu kala kulmo falcelin uusan ku farxin booska loo magacaabay ee wasiir ku xigeenka haweenka Soomaaliya ayuu ku jawaabay inuu aad ugu faraxsan yahay booskaas, isla markaana uu ka mid yahay masuuliyiinta loo igmaday inay hoggaamiyaan haweenka Soomaaliyeed oo aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo