Madaxweyne Xasan oo siyaasi weyn u magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee saacadihii u dambeeyey uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka horeeyey oo galabta loo magacaabay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Waa laba nin oo miisaan siyaasadeed o oculus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xilsaaray iyo guud ahaan xaaladda dalka, Waare ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha samafalka, nabadeynta iyo hee madaxweyne dowlad goboleed.

Halka cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.