Sawirro: Farmaajo oo codsi u gudbiyey cuilmada oo uu kula kulmay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada kulan afur ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Farmajaao ayaa culimada kala hadlay “dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna” kuwaas oo uu sheegay in looga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Farmaajo yaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Farmaajo talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladda.

Sida lagu sheegay qoraalkan Madaxweyne Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa habeenadaan bilaabay kolamo uu madaxtooyada kula qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo habeen ka hor Villa Somalia ku casuumay madaxda warbaahinta madaxa-banaan.