Sawirro: Aadan Madoobe oo ka degay Baghdad + Ujeedka

Baghdad (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baghdad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa intaas kadib waxaa loo gudbiyey hoyga martida, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhigiisa dalka Ciraaq Mudane Muhamed Al-Halbousi uga mahad-celiyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq uga qeyb-galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay caasimada dalka Ciraaq ee Baghdad ayaa waxa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda kala duwan ee ka qeyb-galeysa shirweynaha Midowga Baarlamaannada Carabta.