Shabaab oo ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dhaqaale iyo tallaabooyin ay qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo aad ugu jabtay dagaalkii wajiyada kala duwan lahaa ee dowladda Soomaaliya u qorsheysay kal hore ayaa ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dagaalka dhaqaale kadib tallaabooyinkii is-xigxigay ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka dhinaca dhaqaalaha ayaa ahaa kii ugu darnaa ee kooxda naafeeyay tan iyo markii uu billowday howl-galka dib u xoreynta dalka, maadama dhowrkii billood ee lasoo dhaafay laga xanibay malaayiin doollar oo markii hore ay si xoog ah uga qaadeen shacabka Soomaaliyeed

Kooxda Al-Shabaab oo ku jirta rafashadii ugu dambeysay ee dhanka dhaqaalaha ayaa waxay bilaabeen in ganacsatada ugu yeeraan deegaanka Kuuya-Barow oo dhaca cirifka Koonfureed ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah xad ay wadaagan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Farriimo cabasho u badan oo ay la wadaageen qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed, farriimaha ka yimid Shabaab oo aan helnay ayaa sidoo kale waxaa ganacsatada waaweyn looga dalbanayay inay tagaan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasi oo masaafo ahaan uga fog halka ay markii hore kooxda ugu yeeri jirtay ganacsatada oo aheyd deegaano aan ka fogeyn caasimada.

Balse jabka gaaray bilihii lasoo dhaafay darteed ayaa keentay in Jilib iyo Jubbada Dhexe ku uruurto, sida ay sheegeen dadka sida dhow ula socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka.

Xubno ka tirsan ganacsatada helay fariimaha kooxda Al-Shabaab ayaa la wadaagay laamaha amaanka ee dowladda federaalka, maadaama ay dowladda hore usoo saartay digniino la xiriira la-macaamilka Shabaab, gaar ahaan dhanka maaliyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha ganacsatada ee farriimaha kooxda Al-Shabaab la wadaagay dowladda ayaa kooxda ka dansaday telefoonadii ay hore ugala soo xiriireen, si ay u yareeyaan cadaadiska uga imaanaya kooxda, oo farriimaheeda ku ladhnaayeen hanjabaado horleh.

Tan iyo markii uu si rasmi ah u billowday dagaalka Al-Shabaab ee dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa kooxda laga xanibay in ka badan 250 akoono bangi iyo malaayiin dollar oo ku jirtay akoonadaasi, taasi oo kooxda gaarsiisay jab ka daran kan millatari ahaan u gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale dagaalka ka dhanka ah ee tooska ah ku weyday kumanaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal iskugu jira iyo weliba magaalooyin ka badan 50, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.