Sawirro: Horjooge ka tirsan Shabab oo u gacan galay NISA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug.

Horjoogahan isa soo dhiibay ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sii uu dowladda isugu dhiibo, ayada oo ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Ninkaan ayaa waxaa la marsiin doona habraaca loo diyaariyey xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya hay’adda NISA, qeybteeda Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii NISA ay soo bandhigtay Shabaab badan oo kasoo goostay kooxda, xilli ay wajahayaan guluf dagaal oo ka dhan ah, ayna iska kaashanayan ciidamada geesiyaasha iyo shacabka hubeysan.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka koobneyd 10 xubnood, ayaa shalay lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaas isa soo dhiibay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsana wax ay ugu yeeraan Jabhadaha, ayaga oo qaarkoodo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.