Sawirro: Jeneraal Odowaa oo ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasmadda Soomaaliya kulan ku yeeshay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta iyo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada, adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii, taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta.

Taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin isaga oo wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaannada ay halis ku hayaan Al-Shabaab iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay dammaanad qaadi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macali Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda.

Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu taliyaha iyo kooxdiisa hordhigay xogtiisa la xiriirta dhibaatada ka jirta deegaannada kala duwan, qorshaha ay wasaaradda iyo hey’adaha caalamiga ah ugu talogaleen caawinta dadka iyo deegaannada isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in la isku dhex wado dagaalka Xorreynta iyo u gargaaridda shacabka Soomalaiyeed.

Wasiir Fiqi waxa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cusub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay Al-shabaab ka baxeen ama ay weli joogaan.