Sawirro: Kooxda Daacish oo dagaalyahano cusub kusoo bandhigtay gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa dagaalyahanno cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Dagaalyahannadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taas oo loogu magac daray hoggaamiyihii la dilay ee Abuubakar Al-Baqdaadi.

Sawirro laga soo qaaday dagaalyahannadaasi ayaa muujinaya, iyaga oo tababar ku qaadanaya gudaha xeradaasi.

Sidoo kale dagaalayahannada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga.

Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan Puntland ayaa muddooyinkii dambe is ballaarineysay, waxaana ay dhaq dhaqaaq ka waday buuraleyda gobolka Bari.

Bishii September ee sanadkii hore ayey sidoo kale aheyd markii ay soo bandhigtay dagaalyahanno badan oo dhoolatus ciidan ka sameynayey halkaasi.

Daacish oo qatar ku ah amniga guud ahaan Puntland ayaa inta badan weeraro culus iyo dilal qorsheysan ka fulisa deegaanada mamaulkaasi.