Sawiro: Kulan dhexmaray taliyaha CX & Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa xafiiskiisii ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Taliyaha ayaa Saraakiisha kala hadlaayay howlaha lagu xaqiijin lahaa amaanka Magaalada Muqdisho, Gobolada iyo in iskaashi wanaagsan uu dhexmaro labada dhinac.

Taliyayaasha la kulmay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, ayaa waxaa hoggaaminayay abaanduulaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Jonathan Rono.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4