Tuuryare oo hilmaamay xilkiisa iskuna bedelay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/raxmaan Tuuryare oo muddooyinkaani danbe safaro lixaad leh la galaayay Madaxweyne Xassan ayaa u muuqda inuu ku fashilmay Howlihii Qaranka uu u hayay.

Tuuryare oo ka gaabiyay Shaqooyinka loo igmaday ayaa iminka doorbiday in howlihiisa shaqo uu u weeciyo dhanka safarada Madaxweynaha uu ku aado dalka dibadiisa, halka qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan dilal iyo Qaraxyo kala duwan taasi oo muujineysa inuu gabay mas’uuliyadii saarneyd.

Tuuryare ayaa 4-tii bil ee ugu danbeysay si gaar ah uga mid ahaa wufuuda la socta Madaxweyne Xassan xiliyada uu u ambabaxaayo dalka dibadiisa taasi oo arragti gaar ah ku reebtay Shacbiga Soomaaliyeed ee u hamuunqaba helida amni iyo cadaalad waarta.

Dadka qaar ayaa qaba in C/raxmaan Tuuryare uu wehel u yahay Madaxweyne Xassan islamarkaana aysan jirin cid kula xisaabtanta xuquuqda Ciidamada iyo howlaha lagu xaqiijinaayo amaanka Magaalada Muqdisho oo mudooyinkaani danbe ku imaaday gaabis.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Madaxweyne Xassan uu Siyaasada dalka ku waayay saaxiibadiisii gaarka ahaa, taasi oo ugu wacan in si wanaagsan uu ula tacaamulo Tuuryare oo gacanta ku hayo inta badan Ciidamada Amaanka si uu garab uga helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com