Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wakiilka QM?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Kiki Gbehu.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen adkaynta taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo sidii Aqalka Sare gacan looga siin lahaa howlaha shaqo ee hortabinta u leh.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku bogaadiyay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kiki Gbehu dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in ay adkeeyaan wax ka qabashada Abaaraha.

Kiki Gbehu ayaa dhankeed uga mahad-celisay guddoomiyaha Aqalka Sare soo dhaweynta wanaagsan ee ugu sameeyay xafiiskiisa, ayada oo xustay sida ay QM uga go’an tahay wax ka qabashada xaalada abaareed ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo maalmihii u dambeeyay madaxda ugu sareysay dalka ay la yeelanayeen Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo looga hadlay wax ka qabashada abaaraha, xili ay dalka ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.