Sawirro: Sidee Xasan loogu soo dhoweeyey Abu Dhabi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa goordhow gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

“Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

In madaxweyne Xasan uu Imaaraadka Carabta ka dhigto dalka ugu horreeya ee uu booqanayo ayaa direysa farriin siyaasadeed weyn oo gudaha iyo dibedda dalka ah. 

Waxay muujineysaa in Imaaraadka uu meesha ka saaray Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee dowladdii uu hoggaaminayey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu dalka xukumayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Imaaraadka Carabta ayaa laga go’doomiyey siyaasadda Soomaaliya, lagana doorbiday Qatar, inkasta oo Soomaalida ay xiriir ganacsi oo taariikhi la leedahay Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

Booqashadan ayaa Doha u direysa farriin ah inay si rasmi ah usoo geba-gebowday saameyntii xoogganeyd ee ay ku laheyd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee lasoo dhaafay ee uu Farmaajo dalka xukumayey. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in madaxweyne Xasan Sheekh uusan wax dan ah la lahayn inuu colaadiyo Qatar, balse uu doonayo in Soomaaliya ay dhammaan heshiis la ahaato dalalka gobolka, taasi oo qeyb ka ah siyaasaddiisa; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweynaha horgeeyo BF, si ay u helo kalsoonida.