Xildhibaano iyo siyaasiyiin si jees-jees ah uga falceliyey cabashada KULANE JIIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay cabasho ka soo yeertay Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo Kulane Jiis loo yaqaano, kaas oo sheegay in lagala noqday ilaaladiisii, kadib markii maanta labo askari oo baxsad ah looga xiray garoonka Aadan Cadde.

Cabdullahi Kulane ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad ay masuul ka noqa doonaan wixii khatar ah ee ku yimaada ammaankiisa, isagoo sheegay in ilaalo lala noqdo aysan bedeli doonin mowqifkiisa.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Saadaq Joon, Axmed Macalin Fiqi iyo wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraallo ay uga falcelinayaan cabashada Xildhibaan Kulane Jiis.

Masuuliyiintaas ayaa ku jees-jeesay cabashada Cabdullahi Kulane oo mar ahaa nin awood badan ku dhex leh hey’adda NISA, waxayna ugu jawaabeen qoraalo gaa-gaaban.

Waxaa ugu qoraal ku yaab badnaa Xildhibaan Saadaq Joon oo yiri, “GONBARTII LEEWAAYE,” sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo qoray, “Maxaad i tiri Xildhibaane? Ma fahmin!” hadaladaas oo u muuqda kuwo aan muhiimad gooni ah siineyn cabashada Kulane Jiis.

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qoray, “Namruudkii Kibray ee yiri “Anaa waxna nooleeya, waxna dila” waxaa lagu salladay kaneeco dhegta ka gashay oo madaxa fariisatay! Markuu qeyladeeda u adkaysan waayayna, wuxuu u dhintay kabihii madaxiisa lagu garaacayey si kaneecada Loo dilo.”

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray, “In la iga qaado ilaalada waa isku day cabsi gelin oo aan guuleysaneyn iyo in la rabo in la iga dhigo mid u baylahan weerarada Al-Shabaab. Madaxweynaha iyo taliyaha NISA ayaa qaadaya mas’uuliyaddaas. Waxaan doonayaa inaan adkeeyo in cabsi-gelin heerka ay doonto ha la ekaatee aysan iga hor-istaagi doonin inaan mowqifkeyga ku taagnaado.”

Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyagoo u socda gobolka Gedo oo laga soo qoray, waxayna iska dhigayeen ciidan boolis ah, gaar ahaan qeybta daraawiishta, iyagoo hubeysnaa qoryaha fudud.