Toddoba khasaaro oo Saciid Deni kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu dhawaan ku laabtay Puntland, wuxuu safarkaas gunaanad u ahaa dagaal siyaasadeed qaatay muddo 2 sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa Puntland.

Wuxuu furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ka sheegay inay kaalin fiican ka qaateen isbadalka hoggaamineed ee dowladda federaalka ah.

Shacabka Puntland inta lala gaaray makarafoonka saxaafadda madaxa-banaan waxay muujiyeen in aysan u riyaaqsaneyn sida uu Saciid Deni u wajahay xaajadii federaalka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa Saciid Deni ku sifeeyey siyaasigii ugu khasaaraha badnaa doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa daliil looga dhigay arrintan, waxaana kamid ah:

  1. Qarashka

Inkastoo dhammaan musharixiinta ay qarash geliyeen doorashada, sida soo saarista xildhibaanada, sii heyntooda, iyo sooryada habeenka doorashada madaxweynaha, haddana Saciid Deni waxaa la sheegaa inuu yahay ninkii bixiyey qarashkii ugu badnaa mudadii lagu jiray marxadda doorashada Soomaaliya.

  1. Xilka madaxweynaha

Hadafka ugu weyn ee Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa inuu noqdo madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. 99 xildhibaan ayuu imaantinkooda saameyn ku lahaa, laakiin Saciid Deni wuxuu ku dhameystay kaalinta 3-aad ee doorashada madaxweynaha.

  1. Kursiga ra’isul wasaaraha

Saciid Deni oo ay hal sano iyo dhowr bilood uga harsan tahay waqti xukunkiisa Puntland, wuxuu rajeynayey inuu heli doono kursiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la sheegaa inuu Xasan Sheekh u sameeyey ballan-qaad marqaatiyaal leh intaan loo gudbin wareegii 3-aad ee doorashada madaxweynaha, balse wax walba ayaa si deg deg ah isku badalay, kadib guushii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kooxo ku hareereysan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay si weyn u diideen Saciid Cabdullaahi Deni, mar kale Saciid uma hagaagin hammigii ra’isul wasaaraha.

  1. Cilaaqaadkii Jubbaland

Deni wuxuu dul-saartay kaarkiisa siyaasadda maamulka Jubbaland. Kooxdiisa ololaha qaar waxay shaki ka qabaan inay hoosaasin jirtay. Cilaaqaadka labada dhinac hadda shaki ayaa hareenaya, iyadoo si weyn looga dharagsan yahay wixii uu Saciid Deni u huray Axmed Madoobe.

  1. Niyadda beesha kore

Deni wuxuu horey fagaaro uga sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in Farmaajo la bixiyo. Marka la joogo siyaasadda Soomaaliya xisaabtu waa 4.5.

Isbadalka dhacay 15-kii May kaliya ma quseeyo Xasan iyo Farmaajo ee wuxuu sidoo kale quseeyaa xisaabta beelaha. Inuu Deni sabab u ahaa inuu kursiga dhaafo xisaab beeleedka isaga iyo Farmaajo waxay ka lumisay Saciid dadka badan oo reerkaas ah oo dhallinyaro iyo dhaqan u badan.

  1. Siyaasiyiinta waaweyn ee Puntland

Saciid Deni wuxuu sanadkaan u bareeray inuu masraxa ka xaalufiyo siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland si uu hadafkiisa u gaaro kuwaas oo uu badankood u diiday inay ku biiraan Baarlamaanka.

Isaga iyo xubnahaas waa kala jeesteen, laakiin ma uusan gaarin sababtii uu dakanadaas u abuurtay.

  1. Habacsanaanta doorashooyinkii Puntland

Intii uu Saciid Deni eryanayey hadafkiisa federaalka waxaa si weyn hoos ugu dhacay mashruucii doorashada dadweynaha ee Puntland. Sidoo kalana wuxuu maamulka dhowr jeer dhadhamiyey khilaaf gudaha ah.

Dhacdooyinka waa kuwa loo arko inay kamid yihiin khasaarooyinkii Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo gaaray doorashadii dhawaan soo idlaatay ee Soomaaliya.