25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

SAWIRRO: DF oo adeegsatay tiknoolaji casri ah si ay usoo qabato markab dal-dalanayey kheyraadka dalka SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Soomaaliya, ayaa maanta soo baandhigtay Markab shisheeye oo muddo fog si sharci darro ah uga kalluumeysanayey badda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda, Maxamuud Colow Barow oo Caasimada Online usoo bandhigay xogta markabka ayaa sheegay in markabka kalluumeysi oo lagu magacaabo Poseidon laga lee yahay dalka Korea-da Koonfureed.

Wasiirka waxa uu sheegay in markabkan uu mudo labo bilood ahka kalluumeysanayey biyaha badda Soomaaliya, isaga oo aan wax sharciya ka heysan wasarada kalluumeysiga iyo kheyradka badda.

Wasiirka Kalluumeysiga oo shaqo wanaagsan qabtay
Wasiirka Kalluumeysiga oo shaqo wanaagsan qabtay

Waxa kale oo uu sheegay in markabkan uu illaa iyo 4 Mile (Mayl) una dhiganta 6.4 KM uu gudaha usoo galay xeebta ay Soomaaliya leedahay, halka xeerka caalamiga ahna uu qorayo in maraakiibta shisheeye ee badda caalamiga ah maraya uusan xeebaha Soomaaliya usoo dhowaan karin wax ka yar 20 Mile, si loo daryeelo kalluumeysatada yar yar iyo iskaashatooyinka kalluumeysiga ee dalka.

Waxa uu wasiirka sidoo kale sheegay in markabka uu kalluumeysiga sharci darrada ah kasoo billaabay meel u dhow xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug uuna ku keenay illaa xeebaha Muqdisho.

Maxamuud Colow Barrow, ayaa sheegay inay dhaqdhaqaaqyada markabkan ay kula socdeen sawirro uu u qaadayey satellite-ka, sida ka muuqata sawirka hoose, oo muujinaya inta mile ee uu soo maray markabka.

Sawiro muujinaya meelihii uu markabka kasoo kalluumeystay iyo taariikhda
Sawiro muujinaya meelihii uu markabka kasoo kalluumeystay iyo taariikhda

 

Markabkan, ayaa haatan waxa uu ku xiran yahay dakadda Muqdisho, waxa uuna wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamuud Colow Barow la socod siiyey hanti dhowraha guud ee dowladda, waxaana uu hanti dhowraha guud uu soo amray in la xiro markabkaas.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyradka badda waxa uu digniin culus u diray marakiibta ka xamaasha badda soomaaliya ee sharci darrada ah in sharciga la marsiin doono haddii lasoo qabto.

- Advertisement -

Read more

Local News