Sawirro: Maxaadan ogeyn oo madaxweyne Xasan maanta uu ka sameeyey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Midowga Yurub kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, taas oo ah mid wax badan u tartay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa Midowga Yurub ku amaanay sida ay dowladda Soomaaliya uga garab siiyeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Markii dowladda Itoobiya ay ku soo xad-gudubtay badda Soomaaliya, Midowga Yurub waxay si cad u garab istaageen mowqifka dowladda Soomaaliya, taas oo dhabarjab weyn ku noqotay Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee munaasabadda galabta lagu qabtay Muqdisho ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah.

Wuxuu Madaxweynuhu caalamka u sheegay inuu ka shaqeynayo sidii deg deg loogu gaari lahaa hiigsigiisa Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, isku filan, isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin dimuquraaddi ah.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha muhiimka ah, wuxuuna ururkaasi Soomaaliya u yahay garab weyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu amaanaa wanaajinta xiriirka caalamiga ah, kumana sii jirto Soomaaliya oo mar kasta u baahan taageerada caalamka.