Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa ka xog-wareystay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirrigelinayso in madaxweynihii qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha, iyo geesinimada ciidanka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maanta Muqdisho ka ambabaxay, ayaa isku maray degmooyinka Aadan Yabaal oo Shabeellaha Dhexe ah iyo Moqokori oo Hiiraan ka tirsan. Waxaana kolonyadiisa lagu qarxiyay Muqdisho intii uu u sii socday garoonka.
Madaxweynaha oo gaaray jiidaha hore ee dagaalka ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu deegaannada Hirshabeelle ka hoggaamiyo howlgallada xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galay maanta xaaladda ciidamadii iyo xoogaggii shacbiga ee uu la kulmay, kuwaas oo u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeystay talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka, iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobannimada dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxweynaha ayaa la qorsheeyay in Khamiista uu dego magaalada Cadale, halkaasna uu ka hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana howlgallada loo badinayaa dhanka duqeymaha.
Diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee AKINCI-TB3, oo Turkigu farsameeyo, ayaa maanta laga soo dejiyay Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda ka qeyb qaadan doona duqeymaha Al-Shabaab. Diyaaradahaas waxaa la sheegay in milkiyadooda ay leedahay dowladda Soomaaliya.