Muuse Suudi iyo xubno kale oo lagu doortay JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle oo ka socota magaalada Jowhar, ee xarunta maamulkaas.

Senator Muuse Suudi ayaa ka uuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod.

Xubnaha wareegii koowaad ku haray waxaa kamid ah Cabdullahi Sheekh Xasan oo la sheegay inuu ahaa musharaxii ay wadatay Villa Somalia, waxuuna helay 15-cod oo kaliya, taasi oo muujisay sida reer HirShabeelle ay isaga diideen Villa Somalia.

Kursigaan ayaa horay loo sii saadaalinayey inuu yahay kan ugu loolanka adag, 8-da kursi ee lagu soo dooranayo Jowhar, waxaana dadaal xooggan ay Villa Somalia ku bixisay sidii looga adkaan lahaa Muuse Suudi.

Xaaji Muuse Suudi ayaa kusigaan ku soo fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale afarta sano ee soo socota ayuu golaha Aqalka Sare ku meteli doonaa dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dhanka kale Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa noqday Senatorka labaad ee laga soo doortay HirShabeelle, waxuuna ku soo baxay 78-cod, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax ay noqotay Senatorka seddaxaad ee lagu doortay Jowhar, sidoo kale waa gabadhii u horeysay oo HirShabeelle ka soo gasha Aqalka Sare ee dalka.

Sidoo kale berri waxaa lagu wadaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo kale, halka maalinka xiga la dooranayo labada kursi ee u dambeysa, hadii jadwalkaas uu hir-galo. HirShabeelle waxay noqoneysaa dowlad goboleedka seddaxaad ee soo dhameystira doorashada xubnaha uu ku leeyahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.