Shabaab oo si yaab leh uga hadashay guuldarradii Aadan Yabaal iyo Ruun-nirgood

Mahadaay (Caasimada Online) – Yuusuf Kabokutukade oo ah hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kooxda siiyey wareysi uu uga warbixinayo dagaallada ka socda gobolkaas ee ciidanka dowladda iyo shacabka kacdoonka sameeyey ay kula jiraan.

Ugu horeyn Kabokutukade wuxuu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay lix askari iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay ku dileen qarax ay kula beegsadeen duleedka degmada Mahadaay.

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku andacooday in wax weyn aysan ka dhigneyn in laga qabsado dhamaan degmooyinkii gobolkaas, sida Aadan-yabaal iyo Ruun-nirgood oo u dambeysay.

“Sh/Dhexe wax dheexaa ugama hir gelin kuwii nasoo weeraray, shacabku waa ogyihiin in aan deegaanada ku soo laaba doono, hadii meelaha qaar la shirbay, waxaan idiin sheegayaa Shirib Shabaab ma celiyo,” ayuu yiri Yuusuf Kabokutukade.

Sidoo kale ninkaan ayaa dowladda ku dhaliilay in qabaa’ilka ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-Shabaab, “Shacabkaan wax aan diinta islaamka aheyn kama gadi karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kabokutukade.

Wuxuu sheegay in ka Shabaab ahaan ay dadka u sameeyaan maamul “Wanaagsan oo diinta Alle ku dhaqma” isagoo ku andacooday in dadka aysan been u sheegin oo balan qaad aan la fuli doonin aysan u sameyn, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Yuusuf Kabokutukade oo Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda ee la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan deegaanada HirShabeelle oo intooda badan kooxda laga xoreeyey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, saldhigga ugu weyn ee Yuusuf Kabokutukade wuxuu ahaa deegaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay laga xoreeyey kooxda, wuxuuna ka mid yahay Shabaab-ka firxadkooda lagu maacsanayo gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle.