Shan qof oo GALGADUUD loogu gaystay dil la xiriira saraakiishii horey loo dilay

Balambal (Caasimada Online) – Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa galabta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.

Magacyada ragga maanta la dilay ayaa kala ah: 1- Gaarane Cawil Samatar, 2- Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, 3- Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4- Cadaawe Xirsi Lugey, 5- Ibnu Calidhere Xirsi Cawaale.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta maanta lagu dilay dadkan waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii maanta lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xooga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraakiishii la laayey bishii hore iyo ragga maanta la dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle