Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee gelinkii hore ee maanta lagu qaaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo furimaha dagaalka u socday, isagoo aan soo hadal-qaadin bartilmaameedkii qaraxaas oo ahaa Madaxweynaha.
Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa aad ugu tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxaas oo Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe uu ka xusay, wuxuuna ka gaabsaday inuu sii falanqeeyo bartilmaameedkii xasaasiga ahaa ee kolonyada Madaxweynaha, iyadoo qaar kamid ah askartii ilaalineysay Xasan Sheekh ay qaar dhinteen qaarna dhaawacmeen, sidoo kale uu burburay gaarigii uu saarnaa Xasan Sheekh iyo kii ku xigay.
Qoraal ay dowladdu kasoo saartay qaraxaas oo kusoo baxay luuqadda Ingiriiska ayaa lagu yiri, “Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyey, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.”
Sheekh Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aad u dhaliila hoggaaminta Xasan Sheekh, balse bulshada aragtidooda ka dhiibatay qoraalka Shariifka ayaa siyaabo kala duwan u faaqidaya sababta uu u xusi la’yahay in qaraxaas lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha.
Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif:
Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka loo adeegsaday qaraxa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab maanta ka gaysatay magaalada Muqdisho, kaas oo galaaftay nolosha dad Soomaaliyeed iyagoo sooman oo aan waxba galabsan.
Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo bahda warbaahinta geerida naxdinta leh ee ku timid Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe oo kamid noqday dadka shacabka ah ee weerarkaas bahalnimo ku geeriyooday, waxaana Alle u weydiinayaa inta dhimatay Jannatul Firdowsa.
Waxaan sidoo kale soo kabasho degdeg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.
Weerarkaan wuxuu mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xasuusinayaa sida loogu baahan yahay in midnimo iyo wadajir looga hortago falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah.
Ugu dambeyn, waxaa bogaadin mudan ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan iyo xoogagga difaaca shacabka oo har iyo habeen u taagan ka-hortagga iyo ciribtirka argagixisada caadeysatay daadiinta dhiigga shacabka.