DF oo war ka soo saartay isku daygii lagu dili lahaa Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax maanta Muqdisho lagula beegsaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socday furimaha dagaalka. Degmada Xamarjajab, gaar ahaan inta u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho ayaa loo dhigay qarax.

“Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyey, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyey,” ayaa lagu yiri qoraal ku soo baxay luuqadda Ingiriiska oo SNTV lagu baahiyey.

Dowladda ayaa maanta diiday in warbaahintu tebiso khasaarihii ka dhashay qaraxa, weriyaal goobta yimid ayaa la xiray, ilaa haddana ma jirto cid shaacisay xogta rasmiga ah ee khasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo nooca uu ahaa.

Mid kamid ah afarta gaari ee gaarka ah ee Madaxweynaha ee Buruufta ah oo nooca aysan xabaddu karin ah ayuu haleelay qaraxaasi, kooxda Al-Shabaab oo mas’uuliyadda qiratay waxay sheegeen in qof uu is qarxiyey.

Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaan dhab ah, waxayna ballan-qaadday in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha ka dhashay qaraxa.

“Falkan fulaynimo ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan, ayaa daliil u ah sida ay u sii kordhayso quusta Al-Shabaab ee weerarrada ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay DF.

Inta badan kolonyadii Madaxweynaha ayaa ka badbaaday qaraxaasi, markii laga reebo askar ay dhaawacyo soo gaareen, balse waxaa dhintay dad badan oo shacab ah, dadka qaar waxaa ku dumay guri dabaq ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ka saaraya godadkooda iyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ku cad qoraalka.

“Dagaalka aan kula jirno kooxahan xagjirka ah ma noqon doono mid liidata. Anagoo kaashanayna midnimada dadkeena iyo taageerada saaxiibadayada caalamiga ah, waxaan Soomaaliya ku xaqiijin doonnaa nabad iyo xasilooni waarta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in ciidamada qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay guulo waaweyn gaareen howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u safray furimaha dagaalka ayaa isku maray magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, qorshaha madaxweynaha waxaa la sheegay inuu yahay in maalmaha soo socda uu dego Cadale oo dagaalka uu ka hoggaamin doono.