Shariif oo Nairobi u tegay la-kulanka wakiilo ka socda dal taageeraya ololihiisa – Xog

Nairobi (Caasimada Online) – Murashax madaxweyne, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay in kula shiri doono wakiilo ka socda dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Imaaraadka, waxaana shirkooda uu la xiriiraa arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya oo bilaha soo socda la filayo in lagu doorto Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilada ka socda Imaaraadka ay Sheekh Shariif kala hadli doonaan qorshaha ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo kooxda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo oo Axadii magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dookha koowaad ka dhigatay inay taageerto murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, halka dookha labaad uu ugu jiro madaxweynaha Puntland oo isna xiriir dhow la leh Imaaraadka.

Dowladda Kenya iyo madaxweynaheeda Uhuru Kenyata ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ku cadaadinaya inay taageero buuxa siiyaan Shariif Sheekh Axmed oo ay u arkaan qofka kaliya ee jabin kara damaca Farmaajo ee ah inuu mar kale soo laabto.

Waxaa la ogsoon yahay in magaalada Nairobi ay tahay xarunta iyo ololaha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya looga hadlo, kuna sugan yahay safiirkooda Soomaaliya u fadhiyay, sidoo kale waxaa ku sugan Nairobi xildhibaano ka tirsan baarlamaanka 11-aad kuwaasi oo deegaan doorashadoodu aheyd Jubbaland iyo Puntland.

Sheekh Shariif ayaa doorashadii 2016 kala kulmay niyadjab isaga oo taageeradiisa ay aad uga hooseysay intii la filayey, waxaana ugu wacneyd dhaqaale xumo haysay oo uu ku iibsan waayey codadka xildhibaanada, waxaase markan la filayaa inay boosaaska u buuxiyaan Imaaraadka.