SHARIIF XASAN oo si kulul uga hadlay baabuur aysan xabada karin oo dowlada ay geysay BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay musharaxiinta gaadiidka aanu cabada Karin lasoo galay magaalada Baydhabo.

Shariif oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maalmahaani uu la socdo dhaqanada musharaxiinta qaar waxa uuna tilmaamay inaanu muhiim aheyn in la qaato gaadiid aanu xabadu Karin.

Shariif Xasan, waxa uu sheegay in gaadiidkasi ay yihiin kuwo qaran isla markaana ay muhiim tahay in la bidhaamiyo sababta loogu qeybiyay musharaxiin gaara, maadaama ay yihiin gaadiid Qaran.

Shariif Xasan, waxa uu sheegay in taasi ay tahay qalad in qof aan weli la dooran in gaari ay dowladdu soo siiso,waxaana uu sheegay in ay la mid tahay in qofkaasi la doortay.

“Waa arrin khalad ah in dowladu ay kala soocdo musharaxiinta gaadiidka lasiinayo musharaxiintasi waxa ay ka dhigan tahay in la doortay, maadaama aanu dhicin doorasho waxaa khalad ah in lasiiyo gaadiidka aanu xabada Karin”

Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in bixinta gaadiidkaasi ay suuragal tahay inay abuurto kalsooni daro, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inaysan hantida ku bixin shaqsiyaad aan wali qaban xilka Koonfur Galbeed.

Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya kadib markii dowlada Somalia ay magaalada Baydhabo ka dajisay labada diyaaradood oo kala wada Gaadiid aanu xabadda Karin iyo Ciidamo gaara, waxa ayna u soctay labada Musharax oo ay wadato dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com