XOG: Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Qorshe cusub ka bilaabay Daafeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed ayaa tagay magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiirka amniga maamulkiisa iyo xubno kale oo maamulkiisa kia tirsan, kuwaasi oo shalay tagay degmada Wanlaweyn “Daafeed” ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa iminka ka socda degmadaasi kulamo ay yeelanayaan madaxda maamulka degmada, waxgaradka iyo wafdiga madaxweynaha maamulka koofur galbeed ee uu hogaaminayo Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Socdaalka Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu ku doonayo sidii uu xiriir wanaagsan kaga sameynsan lahaa shacabka ku dhaqan degmada Wanlaweyn iyo deegaanada ku xeeran.

Qorshaha kale ayaa waxaa kamid ah latashiyo ku saabsan dhanka xildhibaanada la doonayo in dhawaan loo dhiso maamulka Koofur Galbeed, waana qeybta kaliya ee ka dhiman dhismaha maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale la qorsheynayaa inuu safar ku tago deegaano iyo degmooyin kale oo uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed.

Wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelana odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Wanlaweyn si uu kaga dhaadhiciyo dhismaha baarlamaanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com