Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe.

Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey.

Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.