Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay weerarkii Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.
Shariif ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku muujiyay sida uga walwalsan yahay qaddiyada beesha Jareer Weyne iyo kiiska Jeneraal Sheegow siday isku dhex-galeen, xilli dhawaan Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday xariga Sheegow.
“Jeneraalka dambi wuu gali karaa waa insaan laakiin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in cabashada beesha Jareer Weyne ay walwal xooggan ku dhalisay, isaga oo tilmaamay inay dhaawac wayn ku tahay wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, taasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho.
Hoos ka aqriso qoraalka
Waxaan aad uga walwalsanahay qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhaxgaleen.
Janaraalka Dambi wuu gali karaa waa insaan laakin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil.
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne oo ila soo xariiray waxay ii sheegeen in aysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigan karin oo askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo.
Cabashada Beesha Jareer Weyne walwal xooggan ayay igu dhalisay waxayna dhawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliyeed waxaan rajaynayaa in fiiro gaar ah loo yeelan doono.