Shiinaha oo ballan-qaad cusub u sameeyay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo sheegtay inay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalkeena.

Ballan-qaadka ayaa waxa uu Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ka sheegay kulan ay maanta wada yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Danjire Fei Shengchao ka guddoomay dhambaal salaan ah oo ugu siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee dalkaas China, Li zhanshu.

Sidoo kale Danjiraha ayaa waxa uu ballan-qaaday in dowladiisa ay Baarlamaanka kala shaqeyn doonto horumarinta adeegyadda muhiimka ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka BFS.

Ugu dambeyntiina Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey doorka horumarineed ee dowladda Shiinaha ay ka wado dalkeena uu yahay mid lama ilaawaan ah, asaga oo ku dhiira-geliyeyna in dadaalkaasi uu noqdo mid mira-dhal ah oo mataaneeya labada dowladood.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.