Xog: Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabaya madaxweyne Shariif Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) –Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. 

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

Arrimaha ugu weyn ee loo magacaabayo Shariifka ayaa qeyb ka ah inuu dowladda federaalka wakiil ugu noqdo wada hadallada Somaliland oo dowladda cusub madaxweynaheeda u qorsheysan in lasoo celiyo.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah hagaajinta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo shantii sano lasoo dhaafay aad u xumaa, ayada oo Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirkooda hagaajiyo lana yeesho macaamil wanaagsan.

Xasan Sheekh oo markii uu Isniintii xafiiska la wareegay billaabay magacaabis iyo inuu beddalo agaasinkii Villa Somalia ayaa wuxuu horey ugu magacaabay Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu soo dhoweysanaayo siyaasiyiinta ololaha doorashada kula jiray ee sida weyn u mucaaradsanaa maamulkii madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, wuxuu u muuqdaa inuu isbadal ku sameyn doono siyaasidihii horay uu ugu soo maamulay dalka 2012-2017.

Xasan Sheekh ayaa hal ku dhiggiisa ololaha doorashada ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” waxaana hadda muuqata inuu taas ka dhabeynayo.