Xog: Kooxda Farmaajo oo billaabay qorshe yaab leh oo la xiriira dhismaha guri cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Koxda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa billaabay olole yaab leh oo ay dadka uga dhaadhicinayaan in qaaraan dadweyne loo ururinayo Farmaajo.

Qaaraankaan loo uruurinayo Farmaajo, oo ay sheegeen in guri loogu dhisayo, iyagoo ku andacoonaya in wax hanti ah uusan leexsan intii uu joogay xukunka, taas oo dad badan ay shaki gelinayaan.

Ololahaan oo ay wadaan kooxaha CBB ee Farmaajo ka taageera baraha bulshada waxaa hor boodaya Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal uu baahiyey wuxuu ku sheegay in qorshaha ay shacabku guriga ugu dhisayaan Madaxweyne Farmaajo uu socodo, isla markaana ay wadaan fikrad uruurin ku saabsan hanaankii lacagaha shacabku ku deeqayaan loo soo xareynayo, sida Akoonada Bangiyada iyo telefanadii la isticmaali lahaa iyo shirkadda qandaraaska dhismaha gurigaas qaadaneysa.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ayaa baraha bulshada ka billaabay falcelin ka dhan ah arrintaan oo ay ku sheegeen marin habaabin indhaha dadka looga leexinayo tuhunnada la xariira in Farmaajo lunsaday hanti badan.

Dadka arrintan naqdinaya ayaa rumeysan inay tahay qorshe gogol xaar looga dhigayo isticmaalka kharashkii u aruuray Farmaajo intii uu xukunka joogay, waxaana la sheegay in ugu horeyn uu guri ka dhisanayo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadda Muqdisho ka degan guri bishii lagu kireeyey 25 kun oo dollar, taasi oo dhalineysa su’aasha ah cidda bixineysa lacagtaas.

Farmaajo ayaa markii uu qabtay xukunka wuxuu mushaarka Madaxweynuhu oo ahaa 8 kun oo dollar bishii ka dhigtay 60 kun, taas oo aad loola yaabay, kana turjumeyn marxalada dhaqaale ee Soomaaliya ka jirta.

Ilaha ugu badan ee Farmaajo uu kharashka aan xisaabta laheyn ka soo geli jiray waxaa ka mid ah gobolka Banaadir oo xubnihii uu u magacaawday ay taabiciyiin u ahaayeen.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in 5-tii sano ee Farmaajo uu xukunka joogay afar kamid ah aysan dowladdu sameyn wax xisaab xir ah, isagoo joojiyey isla xisaabtankii maaliyadeed ee dowladda, kadib markii sanadkii koowaad ay ku soo baxday in lacag $40 milyan ah la lunsaday.