29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Shiinaha oo kordhinaya taageerada DF Soomaaliya ‐ Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa sii kordhinaysa taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo maanta kulan muhiim ah oo u dhexeeya labada dhinac uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka ayaa si gaar ah u dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu iyo howlwadeeno ka tirsan safaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay taageerada dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo tayeynta ciidamada amniga, iyo la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wadata.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaato sugidda xasilloonida iyo amniga dalka.

Danjiraha dowladda Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinaca amniga, isagoo si gaar ah u xusay horumarinta hay’adda miino-baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta shaqaalaha ka hawlgala, si loo yareeyo khataraha miinooyinka loona xoojiyo badbaadada shacabka.

Kulanka wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Shire iyo La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda, Shoki Hayir.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta istiraatiijiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

- Advertisement -

Read more

Local News