Shir qarsoodi ah oo 1977 looga hadlay Somalia (Mengistu Haile Mariam iyo Castro) “Qeybta 2”

Waa qeybta labaad ee Warbixin qarsoodi ah oo uu Hoggaamiyihii Cuba Fidel Castro oo soo maray Afrikada Bari uu Berlin ku siiyay Hoggaamiyihii Jarmalka Bari, Erich Honecker 3-dii Abriil 1977. Qormadii tan ka horreysay waxaan ku soo bandhigay wixii uu kala kulmay Muqdisho iyo kulankiisii Siyaad Barre. Qeybta koowaad halkan ka aqri. Warbixintiisii ayuu Fidel Castro halkii ka sii wadaa, wuxuu yiri:

Subixii xigay waxaan u duulay Ethiopia. Waxaan ku sii heshiinnay in aan la ii sameyn soo dhoweyn weyn, maaddaama markaas ay weli ku jireen dagaal sokeeye. 

Mengistu iyo Castro
Mengistu iyo Castro

Rasaas ayaa mar kasta dhacaysay. Mengistu wuxuu i geeyay meeshii ahaan jirtay qasriga Imberiyaaliyadda. Isla bartaas ayaa wadaxaajoodku ku billowday. Xogtii aan awalba haystay ayaa ii rumowday. Maalintii xigtay ayaan sii wadnay wadaxaajoodkeennii. Dabcan waxay ahayd in aan aad isu ilaalinno xagga amniga. Ethiopian-ku waxay keeneen Qayb dhan oo ciidan ah, aniguna Guuto ciidanka Cuba ah ayaan la imid. Maalinta aan nimid waxaa suuqa ku jiray war ah in uu afgembi dhacayo. Ma dhicin.

Waxaa ii soo baxday in Kacaan run ahi uu ka socdo Ethiopia. Dalkaan oo ay ka talin jirtay Boqortooyo guun ah, waxaa hadda dhulka loo qeybinayaa dad reer miyi ah. Qof kasta oo beeraleey ah waxaa la siiyay 10 hektar. Magaalooyinka qudhooda waxaa ka socday isbeddel. Muwaaddin kasta waxaa loo qoondeeyay in uu lahaan karo ugu badnaan hal guri. Dhulal ayaa loo diyaariyay in laga hirgeliyo guriyeyn.

Hayaan baaxad leh ayaa isaguna jira. Caasimadda, dad 500,000 gaaraya ayaa si dhakhsa ah loo abaabuli karaa. Bishii Febraayo, wafdigeennii sahanka ahaa, ka dib markii uu booqday qeybaha ciidanka, waxaa u soo baxday in boqollaalkii Jeneraal, laba ma ahane inta kale laga saaro ciidanka. Saraakiisha iyo saraakiil xigeenku waxay la wareegeen Hoggaanka dalka. Hadda, Hoggaanku wuxuu ka fekerayaa in uu unko Xisbi. Waxaa jira dagaal dabaqadeed oo aan naxariis lahayn oo looga soo horjeedo dhulgoosiga dalka ka jira. Awoodaha Burjuwaasiyiinta yaryar ayaa is abaabulaya ayaga oo Kacaanka ka dhan ah. Dhaqdhaqaaq xooggan oo goosad doon ah ayaa ka jira Eritrea. Sudan halis ayaa ka soo fool leh. Soomaaliya waxay sheeganeysaa dhulka Ethiopia 50%. Isku dhac soohdimaha ah ayaa carrigaan ka jiray 500 oo sano.

Mengistu wuxuu iigu muuqday Hoggaamiye afgaaban, aad u fiirsada, daacadna ah oo ka warqaba awoodda shacabka. Waa qof caaqil ah oo xikmaddiisa muujiyay 3-dii Febraayo. Kooxaha Midigtu waxay doonayeen in ay cagta mariyaan Bidixda 3-da Febraayo. Hordhac waxaa u ahaa khudbad xamaasadeysan oo uu jeediyay Madaxweynaha Ethiopia asaga oo ku doodaya waddaniyad. Mengistu wuu fashiliyay shirqoolkaas. Saacad ka hor ayuu shir isugu yeeray Golaha Kacaanka, markaas ayuu xiray hoggaamiyayaashii Midigta wuuna toogtay. Go’aan aad u mhiim ah ayaa ka dhacay Ethiopia 3-dii Febraayo.

Siyaasadda dalka oo dhan ayaa is beddeshay. Waxayna taasi u suurta-gelisay in ay qaadaan tallaabooyin markaa ka hor ahaa wax aan dhici karin. Awal waxa keliya oo suurta-gal ahaa in si dadban loo taageero xoogagga Bidixda, hadda waxaan xoogaggaas u taageeri karnaa sida aan doonno. 

Waxaan weydiiyay Mengistu in uu diyaar u yahay in uu Siyaad Barre kula kulmo Cadan. Waan isku af garannay. 

Markii aan dhammaysannay wadahadalka waxaan u duulay Cadan.

F. G. Waxaan rajeynayaa in aan qeyb kale soo gudbiyo mustaqbalka.

Xigasho: Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv. Waxaa soo helay Christian F. Ostermann. Tarjumada Jarmal ka dhigay Ingiriis David Welch waxaana mar kale ka hubiyay Ostermann. Yusuf-Garaad ayaa Soomaali u rogay.