Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle, ayaa shalay soo gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si uu uga qeyb galo shir weyne beeleed xilli xiisado siyaasadeed iyo dagaallo ka socdaan gobolka.
Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay masuuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka. Wafdiga waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah oo Xawaadle ah, sida Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid iyo Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Ugaas Yuusuf ayaa si kooban ula hadlay shacabka iyo saxaafadda, isagoo ku dhawaaqay in saaka 09:00 subaxnimo uu Baladweyne ka furmi doono shir weyne ay isugu iman doonaan dhammaan waxgaradka beelaha Xawaadle, si ay uga tashadaan mustaqbalka maamulka HirShabeelle, oo beeshu ay muddo diidaneyd.
Shirkan la iclaamiyay ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay ka socdaan qaybo badan oo Hiiraan ka tirsan, isla markaana boqolaal qoys oo Xawaadle ah ay ku barakaceen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Bulshada deegaanka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow indhaha ugu haya natiijada ka soo bixi doonta kulankaas, maadaama beeshu muddo dheer tabasho ka qabtay nidaamka Hirshabeelle, taas oo ay uga sii dartay colaadda ka dhex taagan Xawaadle iyo Al-Shabaab.
Khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle – oo loo dhisay inuu mideeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe – ayaa taariikh dheer leh, isagoo salka ku haya tabashooyin siyaasadeed, awood qaybsiga, iyo muran ku saabsan maamulida kheyraadka.
Dhinaca ammaanka, gobolka ayaa ku jiray xaalad kacsanaan joogto ah oo ka dhalatay weerarrada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulisay magaalooyinka iyo tuulooyinka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh. Sidoo kale, dagaallo culus oo ka dhacay xuduudaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimasho badan iyo barakac ballaaran.
Shirkan uu iclaamiyay Ugaas Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu noqdo madal lagu mideeyo mowqifka beelaha Xawaadle ee ku aaddan maamulka HirShabeelle iyo dagaalka Al-Shabaab.

