Shir xasaasi ah oo u socda Farmaajo iyo R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu haatan ka bilowday shir xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Wada-hadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galabeed iyo Galmudug oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu Rooble la tagay afar qodob oo ka mid ah kuwa keenay khilaafka haatan kala dhexeeya Farmaajo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ra’iisul wasaaraha u sheegay Lafta Gareen iyo Qoor Qoor in ay lama taabtaan yihiin qodobadaasi, uuna ka taasuli doonin, waxayna kala yihiin:-

1- Shaqo ka joojinta Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

2- In Bashiir Maxamed Jaamac Goobe uu yahay Taliyaha KMG ah ee NISA maadaama uu u xilkaas u magacaabay.

3- In Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

4- In Kiiska Ikraan Tahliil ay baarto Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamaddaas si cadaaladda loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay kiiskeeda.

Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa horey u aqbalay xilka qaadista Fahad Yaasiin, wuxuuse u magacaabay la-taliyaha guud ee amniga Qaranka.

Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in si gaar ah loo xalliyo, kiiska Ikraan Tahliil Faarax uuna bixiyo diyadeeda, sida uu shaaciyey Xasan Faarax oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan.

Si kasta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Farmaajo iyo Rooble ayaa saameyn ku yeelatay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka 2021-ka.