Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo (Sawiro)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa si rasmi u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Shirkaan kii ka horeeyey ayaa waxaa lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana shirkaas uu kusoo aadayaa xilli khilaafka  ka dhaxeeyo dowladda Somaliya iyo amamulada qaar waxaana ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya.

Ammaanka Baydhbao ayaa aad loo adkeeyay,iyada oo martigeliyaha shirkaas ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulkiisa uu u sameeyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiya.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay.

Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.