Cabdiweli Gaas “Dowladnimadda waxay kusoo aruurtay Facebook”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay.

Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa weerar ku qaaday hab-dhaqanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanadeeda siyaasadeed.

Isagoo Khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayuu shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer martay qodobo badan oo hore loogu heshiiyay, isla markaana isku koobtay dhaqaalihii dalka.

Madaxweyne Gaas in dowladda Soomaaaliya loogana baahan yahay inay la timaado isbadel dhan walba ah, laakiin aysan ku Mashquulin waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey: “Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”.

Waxaa uu si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas.

Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa ku adkeysatay sheegay in Maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan tallaabooyinka Masiiriga ah ee Dowladda Soomaaliya qaadeyso oo aysan keligeed go’aan iska gaarin, talo-na ay ku leeyihiin sidii dalka loo hoggaamin lahaa.

Wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan 95% dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in waliba ay dowladda federaalka kala tashato, halka dowladda ay joogto oo kaliya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com