Axmed Madoobe “Dowladda waxay ku mashquulsan tahay ciddii imaan laheyd 2020-ka taasina waa…”

Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khudbad ka jeediyay Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaladaadka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonaayo inta kasokeysa in si aad ah loo shaqeeyo.

Waxaa uu sheegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com