Wararkii ugu dambeeyey 37 qof oo Falastiiniyiin ah oo la dilay xilli Qudus laga furayo safaaradda Maraykanka

37 qof oo Falatiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil ku toogteen marinka Qaza taaso noqotay toddobaadkii ugu dhiigga badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta.

Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen ‘dibadbaxyadii soo celinta’ kaaso socday muddo lix toddobaad ah.

Israa’iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka.

Ciidammada Israa’iil waxa ay sheegeen in illaa 35,000 oo falastiiniyiin ah ay ka qaadanayaan isu soo baxyada rabshadaha wata.

“Maanta waa maalin weyn, waxaanan doonaynaa in aan xeendaabka gudubna, Israa’iil iyo adduunkaba u sheegno in aanan ogolaan doonin in waligeen nala heysto” ayuu yiri Cali oo macalin ka ah magaalada Qasa.

Dadka maanta lagu dilay dibadbaxyada waxaa kamid ah carruur halka in ka badan 1000 qof ay ku dhawaacmeen.sida ay sheegtay laan arrimaha caafimadka ka shaqayso oo taabacsan kooxda Xamaas.

Heshiis dhexmaray Israa’iil iyo Falastiiniyiinta sanadkii 1993-dii ayaa waxa uu dhigayaa in meeqaamka Qudus laga wada xaajoodo mararkale.

Rarista safaarada ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay Ra’isulwasaare Netanyahu.

Dadka Yuhuuda ee ku dhaqan magaalada Tel Aviv ayaa ammaanay madaxweyne Trump, iyada oo la taagay tabeelooyin lagu bogaadinayo.

Furitaanka safaaradda ayaa horey loosoo dhigay si loo waafajiyo maalinta loo dabaaldagayo sanad guurada 70-aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Israa’iil.

Hoggaamiyaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa go’aanka Trump ku tilmaamay “Dharbaaxadii Qarniga”, isaga oo intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uusan Maraykanka ahaan karin dhexdhexaad arrimaha Bariga Dhexe.