Shirka wadatashiga oo galay maalintii labaad iyo goorta uusoo xirmayo oo la shaaciyay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalinkii labaad galay shirka wadatashiga qaran ee looga arrinsanayo doorashada sanadka 2016-ka ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa xaadir ah madaxda maamul-goboleedyada, madaxda sare ee dowladda federalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Madaxda sare ee dalka iyo kuwa ka socda Gobolada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa isla gartay in Wadatashiga Qaranka uu yahay tiir muhiim u ah hannaanka Somalia ay dooneyso inay ku gaarto heshiis ama mowqif mid ah oo la xiriira qaabka iyo hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka dalka ku habboon.

Madasha Wadatashiga Qaranka, oo ay ku jiraan xubno ka socda Baarlamanka Federaalka oo ay taageerayaan guddiyo hawleed iyo mid farsamo, ayaa waxaa isku keenay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka, waxaana ay soo uruurin doonaan fikrado kala duwan, iyagoo sameyn doona wadatashiyo heer gobol ah iyo doodo ay yeeshaan bulshada rayidka.

Waxaa wadatashiyadan ka soo bixi doona, laguna go’aamin doona nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka.

Sidoo kale, waxaa maanta galinka danbe lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Somalia lagu soo geba gabeeyo Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Gabagabeynta shirka ayaa waxaa daba socon doona War-murtiyeed ku saabsan Qodobada suuragalka ah in lagu heshiiyo.

Dhanka kale, waxaa maalinta labaad si adag loo xaqiijiyay amaanka,waxaana la Xiray Wadooyin baddan oo Muhiim ah.

Wadada Maka Al-mukarama ayaa ka mid ah Wadooyinka sida weyn loo isticmaalo,iyadoo shalay ilaa Saaka Gaadiidka loo diidayo islamarkaana Dadka Lugta ah ay isticmaalayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@lie.com