Shirkada Spectrum oo war cusub kasoo saartay shirka shidaalka Somalia ee ka furmay London maanta

London (Caasimada Online) – Magaalada London waxaa maanta ka furmay shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda batroolka xukuumadda Soomaaliya, oo dowladda ay sheegtay in lagu suuq geynayo shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro Soomaaliya.

Dad u badan siyaasiyiin ayaa shirkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka dalka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka ay beenisay.

Si kastaba, shirkadda leh qaban-qaabada shirkaas ayaa soo bandhigtay qorshaha Soomaaliya ee shirkaas.

Shirkadda Spectrum, ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigayo aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaaradda betroolka iyo macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km .

Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigay shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda shirka magaalada London oo ay goobjoog ka yihiin wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com