Xog: Qorshaha rasmiga ah ee waftiga labaad ee DF ay maanta u dirtay London

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana soo baxaysa xog ku saabsan safarkiisa.

Sida ay dowladda sheegtay, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Hase yeeshee, sida ay Caasimada Online xog ku heshay safarka Khadar ayaa waxaa ku gadaaman qorshe kale iyo dadaallo dowladda Soomaaliya ay waddo.

Safarka maanta uu ugu ambabaxay dalka Ingiriiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu si rasmi ah u furmaayo Shirka arrimaha Shidaalka Somaliya looga hadlaayo, kaasi oo London ka furmaya.

Shalay waxaa Muqdisho ka baxay wafti kale oo dowladda Soomaaliya ka socda oo ka qeyb-galaya shirka shidaalka ee London ka furmaya maanta oo muran badan dhaliyey.

Dadaal ay dowladda waday oo ay dooneyso inay ku baajiso banaanbax looga soo horjeedo shirka ayaa fashilmay. Dirista Khadar ayaa la rumeysan yahay inay tahay dadaallo ay dowladda dooneyso inay ku dejiso dadka saameynta ku dhex leh Soomaalida ee London ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com