Sidee ayey roobabkii da’ay u saameeyeen Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka da’ay Roobab mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay magaalada oo dhan, gaar ahaan isku socodka dadka iyo sidoo kale gaadiidka qeybihiisa kala duwan.

Roobabkan oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay biyo dhigeen waddooyinka waa weeyn ee magaalada Muqdisho oo aan laheyn dhuumaha biyaha ka saara.

Sidoo kale Roobabkaas ayaa sababay inuu istaago isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Waxaa sidoo kale dumay dhismo ku yaalla degmada Hodan oo ay daganaayeen qoysas badan, walow laga soo bad-baadiyey, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Saameynta ugu daran ayey Roobabkani waxa ay ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale kuwa danta yar ee ku nool Xamar.

Gurmad loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen biyaha ayaa haatan socda, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, Cumar Cali Cabdi uu tilmaamay in booyado loo diri doono waddooyinka xirmay, si ay biyaha uga saaraan.

Inta badan jidadka waa weyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya ayaa ah kuwa aad liita, islamarkaana aan u baahan dib u dayactir ballaaran iyo in loo sameeyo meelaha ay ka baxaan biyaha Roobka, sida bulaacado ama dhuumaha biyaha.