Xaaladda ERDOGAN kadib markii saraakiil u dhow laga helay cudurka Covid-19

Ankara (Caasimad Online) – Saraakiil sare oo u dhow madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kuwaasi oo ka tirsan madaxtooyada iyo golaha dalkaasi.

Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey maalintii shalay aheyd in laga helay cudurka, isagoona sheegay inuu isku arkay astaamaha yar-yar ee cudurkaasi.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeriya ka bixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib marka laga helay cudurka, midaasi oo ka dhigeysa in halis caafimaad uu wajahi karo madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Suleyman Soylu ayaa isaguna shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay, isaga iyo xaaskiisa, iyo weliba gabadh ay dhaleen.

Soylu oo wax laga weydiiyay xaaladooda caafimaad ayaa sheegay in xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana ay kasoo reysanayaan cudurka.

Labadan mas’uul ayaa lasoo warinayaa inay kulamo la qaateen madaxweyne Erdogan, ka hor inta aan la xaqiijin inay qabaan cudurkaasi, maadama ay ahaayeen labo mas’uul oo aad ugu dhawaa madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa gebi ahaanba ka bad-qaba cudurkan, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, markii laga helay cudurkaasi afhayeenkiisa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Turkiga ayaa markale u muuqda in uu kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, iyada oo kiisaska lasoo wariyey maalintii shalay aheyd oo kaliya lagu sheegay 75-kiis.