Xasan Sheekh oo ay hortaallo fursad la mid ah tii Farmaajo soo martay lix sano kahor

Muqdisho (Caasimada Online) – Dareen u muuqda kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka dilaacay Soomaaliya. Dareenka muuqda mid waa dagaal ka fool ka fool ah oo ka socda Hiiraan iyo Galgaduud, midna waa mid guud oo ay qabaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa sidoo kale u muuqata inay diyaar u tahay inay u bareerto kooxda, qurba joogta ayaa sidoo kale muujisay shucuur adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad muddo lix sano gudahood ah oo uu soo ifbaxo dareen noocaan ah. Markii uu dhacay qaraxii Zoobe 14-kii October 2017, kaasi oo ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ebid ayuu sidaan oo kale u kacay dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Xilligaas dadka Soomaaliyeed oo si weyn u carooday waxay muujiyeen sida ay heegan ugu yihiin inay kooxda fooda daraan, laakiin dowladdii xilligaasi jirtay ee madaxweyne Farmaajo waa sahashatay shucuurtii shacabka.

Lagama faa’ideynin kacdoonkii muuqday xilligaas, dowladduna waa ku guul dareysatay inay keento aragti lagu jiheeyo dadka dagaal dhab ahna lagula geli karay kooxda.

Mar kale ayey soo noqotay fursad noocaas ah waa midda ka taagan Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo kamid ah Koonfur Galbeed oo iyadana laga so warinayo inuu ka socdo diyaar garow ay dadka iyo maamulka isaga kaashanayaan dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Galgaduud waxaa laga soo warinayaa qabiilo kale oo iyaguna wada wada-tashiyo ku saabsan sida ay kooxda isaga dul qaadi lahaayeen.

Dadka badan oo Soomaaliyeed waxaa u muuqata in kacdoonkaan bilowga ah uu noqon karo midkii ugu dhawaa ee kooxda lagu soo afjari lahaa. Laakiin waxaa jira walaac ku saabsan waxa dhici kara haddii qabiilada waayaan garab iyo hoggaan dowladeed.

Inkastoo xanuunka qabiilka gaaray dareenka dhaqaajinaya dagaalka socda, haddana dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad looga cabsi qabaa inay fursadaan u dayacdo sidii loo dayacay fursadii 14-kii October.

Haddaba muxuu u baahan yahay kacdoonkaan?

Beeluhu ma heystaan hub xoog leh, rasaas ay muddo dheer ku dagaalami karaan, raashin, gaadiidka gurmadka caafimaadka, Isbitaalo iyo caawimaad diyaaradeed oo cirka ah, balse dowladda federaalka waa heli kartaa intaas.

Waxaa kaloo baahan karaa saraakiil taqaana farsamooyinka dagaalka tooska ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa ku dhawaad afartan kun oo askari. Dhowr jeer ayey Xasan Sheekh iyo Xamza ku celceliyeen qaadista dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab balse hadda dagaal mabda’ ku dhisan ayaa dillaacay.

Dhowr arrimood ayey dadka arrimaha dagaalka ka faalooda kusoo koobayaan waxyaabaha degdegta ah ee laga rabo dowladda federaalka ah si uusan kacdoonkaan u fashilmin.

  1. Jiheynta dagaalka

Waxay leeyihiin khubarada amniga, dowladda waxaa laga rabaa inay jiheyso dagaalkaan oo ay u sameyso magac, qorsho isku dhafan oo ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ah iyo dajinta xeelad leh bilow iyo dhammaad.

  1. Inta laga gaarayo taas

Talooyinka la siinayo dowladda waxaa kamid ah inay bixiyo gurmadka 100% ah oo u badan hub, rasaas, daawo iyo gaadiid si aysan dadka deegaanka uga niyad jabin is difaaca.

  1. Kaalmada caalamiga ah

Dalal badan oo leh diyaarado drones ah ayaa jooga Soomaaliya. Xeel dheerayaasha amniga waxay qabaan in dowladda ku qanci karto dalalkaas inay si buuxda dagaalkaan tooska ah uga qeyb galaan.

Sidoo kale, dowladdu waxay deg deg ugu heli kartaa dagaalkaan kaalmo maaliyadeed maadaama ay adag tahay in beelaha is difaacaya dhaqaale ku filan u helaan dagaalka.

  1. Wacyiga

Xukuumadda waxay u muuqataa inaysan helin dariiq ay ku xoojiso kacdoonka socda oo aysan weli curin wax kabi kara dareenka shacabka si natiijada muuqata looga dhabeeyo.

Tani inkastoo a jiheynta qeyb ka tahay, haddana waxaa shaqo u baahan inaan la sahashan ayey leeyihiin dadka bixinaya talooyinka ku aadan inaan fursadaan la dayicin.

Arrimahaan iyo qaar kale ayaa hor yaala nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh kuwaas oo haddii laga jiifto ka dhigan in mar kale lagu fashilmi doono in laga faa’ideysto dareenka Al-Shabaab diidka ah ee shacabka Soomaaliyeed.