SOMALILAND: Awood uma lihin inaan joojino Qaadka”

Hargeysa (Caasimada Online)  Xukuumada Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay sababta aysan Qaadka/Jaadka uga joojineyn deegaanadeeda, xili uu cudurka Coronavirus ku faafayo gudaha deegaanadeeda, iyada oo uu ka imanayo dalka Itoobiya oo uu ku faafay cudurkaasi.

Somaliland ayaa sheegtay inaysan gebi ahaanba awoodin joojinta Qaadka uga yimaada dalka Itoobiya, oo aysan waqtigan haynin xukuumada Muuse Biixi awoodii lagu hor istaagi lahaa inuu Qaadkaasi soo galo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa si cad u sheegay arrinkaasi, isagoona bulshada ka dalbaday inay sameeyaan Ciidamo si mutadawacnimo ah ku shaqeynaya oo joojiya Qaadkaasi.

“Qaadku wuxuu u baahan yahay Ciidan voluntary ah oo joojiya, oo umadda reer Somaliland iska hesho gobol iyo tuulaba. Ciidanka bileyska ee aan haysano iyo gaadiidka aan haysanaba ma gudaha ayuu ka ilaaliya xanuunka mise Qaadka ayaanu kula dagaalna” ayuu yiri Wasiir Koore

Somaliland ayaa hore u sheegtay inaysan Qaadka u joojineyn, maadama oo ay dad badan ku tiirsan-yihiin ka ganacsiga qaadka, isla markaana aysan u hayn dhaqaalo ay dadkaasi ku maareyso xukuumada Muuse Biixi.

Xukuumada Biixi ayaa u muuqata mid aan weli si dhab ah u dareensaneyn in cudurkan dunida ku faafay uu la dagaalankiisu uu yahay ka hortaga kaliya iyo in la xakameeyo inuu bulshada ku dhex faafo, maadama ay kamid tahay Soomaaliya dalalka ugu liita adeega caafimaad.