27.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

KISMAAYO oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta shaaca ka qaaday in kiisaaskii ugu horreeyey oo Coronavirus ah laga helay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulkaas.

Guddiga ka-hortagga cudukra Coronavirus ee Jubaland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Kismaayo ku sheegay in laba qof oo reer Kismaayo ah laga helay cudurkan.

Labada qof ayaa baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho oo lagu soo xaqiijiyey, sida guddiga uu sheegay

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 20 kiis oo kale oo baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho, kuwaas oo la filayo in natiijadooda dhowaan la shaaciyo.

Waxaa intaas dheer boqolaal kiis oo la tuhunsan yahay oo ka jira magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Jubaland, balse aan la xaqiijin, sida guddiga ay sheegeen.

Labada qof ee laga helay COVID-19 ayaa waxaa hadda lagu karantiilayaa xarun ay Jubaland ugu talo-gashay oo ku taalla Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysaa magaaladii 7-aad ee dalka Soomaaliya oo cudurka laga helo kadib Muqdisho, Jowhar, Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorama.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in kiisaska guud ee dalka ay gaareen 60 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa la filayaa in warbixinteeda soo socota ay kusoo dirto kiisaska Kismaayo iyo kuwa kale ee dalka kusoo kordhay.

- Advertisement -

Read more

Local News