27.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Cabdicasiis Gurbiye oo la xiray maalin kadib markii uu wax ka qoray arrin la xiriirta madaxweyne FARMAAJO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa maanta xabsi loo taxaabay, kadib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaan ilaa iyo hada la ogayn sababaha xarigiisa ka dambeeya, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray  in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

“Ogow, waxaa xaqiiq ah in ventilator aanu horay u laheyn Martiini, markii deeq ay heleen si bukaankii loo badbaadiyo ka warama haddii Madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiirro iyo xildhibaanno kala qaataan? Yaa u maqan muwaadinka?!” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada kama soo bixin wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye

Maamulka Goobjoog ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Dhinaca kale, Isutaga Suxufiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa si kulul u cambareeyay  xariga ciidamada amniga dowladda Federalka magaalada Muqdisho ugu geesteen Wariye Abdi Aziz Ahmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Idaacadda iyo Telefishinka Goobjoog.

FESOJ ayaa dalbatay in la cadeeyo sababta loo xiray Wariyaha, kiiskiisa waa mid madani ah ma ahan mid dambi la xiriira, waxeyna sheegtay iney ka murugeysantahay  xaaladiisa maadaama lagu jiro xili adag oo cudurka Coronovirus ku sii faafayo magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News