Somaliland oo ogolaatay in la dajiyo markab Berbera ku xayiran oo ka yimid Sacuudi

Hargeysa (Caasimada Online)  Xukuumada Somaliland ayaa maanta ogolaatay in la dajiyo Markab siday shixnad u badan cuntooyinka daruuriga ah, kaasi oo muddo labo todobaad ku dhow ku xanibnaa dekedda Berbera.

Markabkaasi oo ka yimid dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Jiddah ayaa 1-dii April soo istaagay dekedda magaalada Berbera, ee ay gacanta ku hayso shirkada DP World.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi siday shixnada cuntooyinka ah ayaa muddadaasi u xanibnaa lacag ay DP World ku leedahay ganacsadaha Oomaar, kaasi oo ah wakiilka markabkaasi oo lagu magacaabo Kotakaya.

Muran dheer kadib xukuumadda Biixi ayaa soo kala dhex-gashay DP World iyo Markabkaasi ku xanibnaa dekedda, iyada oo go’aamisay in Markabkaasi gebi ahaanba laga rogo shixnada uu sido.

Xukuumada iyo DP World ayaa la filayaa inay shixnadaasi la fasaxin kadib marka la dajiyo, midaasi oo lagula xisaabtamayo ganacsade Oomaar, sida uu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah ganacsatada uu u raran-yahay markabkaasi.

Markabkaasi mudada ku xanibnaa dekedda Berbera ee maanta la ogolaaday in la dajiyo, ayaa waxa uu siday Cuntooyinka daruuriga ah ee loogu isticmaalka badan yahay xiliga Ramadaanka, maadama muddo yar ay inaga xigto bishaasi barakeysan.