Somaliland oo bixisay xog ku saaban dad cusub oo ay u karantiishay Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay dad ay karantiishay oo shalay la socday diyaaradii Ethiopian Airlines ee ka soo dagtay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal.

Somaliland ayaa sheegtay in dadka ay karantiishay ay yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimid dalalka Dibeda, gaar ahaan kuwa uu faraha ba’an ku hayo cudurka Coronavirus.

Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye, Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Somaliland, ayaa si cad u sheegay in dadka ay Karantiishay xukuumadu aysan aheyn dad looga shakiyay inay qabaan fayruska Corona, balse ay marinayaan go’aamada ka hortaga cudurkaasi, midaasi oo dadka ka yimaada dalalka cudurku ka dilaacay la karantiilayo muddo dhan 14-maalmood.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in qofkasta oo reer Somaliland ah oo dalalka uu cudurkaasi ka jiro ka yimaada ay karantiileyso muddadaasi, si loo hubiyo bad-qabkiisa, isagoona xaqiijiyey in uu gudaha Somaliland ka jirin Kiis la xiriira cudurkaasi, wuxuuna yiri

“Way jiraan dad badan oo aanu hayno oo dalka dib ugu soo laabtay. Dadkaasi maaha dad qaba xanuunka Coronavirus, mana ah dad aanu uga shakinay xanuunka Coronavirus, balse dadkani waa dad ka yimid waddamada fog-fog, sida wadamada uu aadka ugu badan yahay xanuunka Coronavirus, waxaana ka mid ah dad ka yimid dalka Shiinaha oo ah Waddankii uu markii ugu horeysay ka dilaacay xanuunkan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadkeena muwaadiinta ah ee dalkeena u dhashay xaq bay u leeyihiin inay dalkooda yimaaddan oo ay dib ugu soo laabtan, markaas si aanu uga taxadirno inuu xanuunkani uu dalkeena soo galo aad baanu u hubinaynaa in cid kasta oo dalkeena imanaysa, ilaa haddana dalkeenu uu ka bad-qabaa xanuunkan”.

Inkasta oo uusan Agaasimuhu sheegin tirada dadkaasi ay Karantiishay iyo meesha lagu hayo, ayaa haddana waxa ay Caasimada Online ogaatay in ay yihiin ilaa 16-qof, kuwaasi oo ka yimid dalalka uu Coronavirus uu faraha ba’an ku hayo, iyo weliba dalka Shiinaha oo ah halkii uu kasoo bilowday cudurkaasi.

Somaliland ayaa iyadu dadaal balaadhan ugu jirta sidii ay uga hortagi laheyd Cudurkaasi, balse ilaa hadda sida la aaminsan-yahay mey qaadin talaabooyin si dhab ah uga hortagaya cudurkaasi, maadama uu shaqeeyo Madaarkeeda Hargeysa, isla markaana uu sidii hore deegaanadeeda usoo galo Qaadka oo looga keeno dalka Itoobiya.