DF oo is-bedel ku samaysay maamullada 3 degmo oo ka mid ah gobolka GEDO

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ee hoosyimaada Dowladda Federaalka ayaa is bedel ku sameeyay Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo ee Gobolkaasi Gedo.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa sheegay in uu isagu is bedelkan ku sameeyay Maamuladii Degmooyinkaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka oo ka amarqaata Dowladda Federaalka ayaa sheegay in fekradaha bulshada ku dhaqan saddexdaasi degmo, ay ku saleeyeen is bedelkan.

Waxa kaloo uu sheegay in is bedelka uu ku dhisan yahay waxa uu ugu yeeray Nidaamka Dowliga ah, isla-markaana uu is bedelku yahay mid sharci ah.

Cismaan Nuur Xaaji oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa xusay in Gudoomiye-yaashii hore ee degmooyinkaasi, ay ku soo bedeleen Gudoomiye-yaal kaloo cusub, inkastoo aanu magacyadoodu sheegan kuwa cusub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyay in Gobolka Gedo ay ka go’doomineyso Jubbaland inteeda kale.

Hoos ka akhriso mas’uliyiinta la magacaabey